Barnaamij Siyaasadeedka Xisbiga FEP
Qaybta 1aad: Xaga Siyaasada
- Xisbiga FEP wuxuu ilaalinayaa Nidaamka Fadaraalka ah ee ku dhisan Qoomiyadaha sida ku xusan Distuurka Ethiopia.
- Xisbiga FEP wuxuu rumaysanyahay Ilaalinta Isirka qoomiyad walba, Luqadeeda, Xuduudeeda, Diinteeda IWM.
- Xisbiga FEP wuxuu rumaysanyahay Ilaalinta Mabda nabad kuwada noolaanshaha qoomiyadaha Ethiopia.
- Xisbiga FEP wuxuu u halgamayaa in talada dalka gacanta shacbka lagu soo celiyo lana sugo in shacabku si madax banan u doorto hay,adaha matalaya heer Fadaraal iyo heer Deegaanba (Doorasho Xor & Xalaala).
- Xisbiga FEP wuxuu ka takhalusi doonaa booska R/Wazaaraha wuxuuna soo reebi doonaa oo kali ah booska M/Wayne oo isna shacabku si toos ah u soo dooran doono.
Qaybta 2aad: Xaga Garsoorka:
Xisbiga FEP wuxuu u halgamayaa in la helo garsoor xor ah kana madax banana gacanta dawlada, isla mar ahaantaana ku dhisan Cadaalad.
Qaybta 3aad: Xaga Nabad galiyada
- Xisbiga FEP wuxuu dajiyay siyaasad lagu sugayo nabad galiyada si looga hortago waxyaabaha xasilooni darada keeni kara, sida khilaafyada xuduudaha iyo isku dhacyada qabiilooyinka isagoo adeegsanaya wada hadalada, isku dulqaadashada, turxaan bixinta doodaha IWM.
- Xisbiga FEP wuxuu ku dadaalayaa xaqiijinta saraynta Sharciga isagoo dariiqo walba umaraya sidii loo heli lahaa nabadgaliyo waarta.
Qaybta 4aad: Xaga Warbaahinta:
Xisbiga UDFP wuxuu u hawlgalayaa in la abuuro warbaahin madax banana sida Idaacadaha, Telafeeshinada iyo wargaysyada si ay bulshadu u hesho warar xaqiiqo iyo run ku dhisan.
Qaybta 5aad: Xaga Ilaha Dhaqaalaha:
Dalkeena oo eebe siiyay khayraad aad ufarabadan ayaa hadana waxaa nasiib daro ah in 3meeloodow meel kamida shacabkeenu ku tiirsanyihiin hayadaha gaar gaarka bixiya, sidaa darteed ayuu Xisbiga FEP dajiyay siyaasdihii looga bixi lahaa dhibkaas.
Qaybta 6aad: Xaga Xoolaha
- Xisbiga FEP wuxuu dajiyay siyaasad lagu horu marinayo Xoola dhaqatada dalka wuxuuna xooga saarayaa Tayaynta xoolaha, Ka faa,idaysiga dheeftooda iyo suuq u helista iibkoodaba.
- Xisbiga FEP wuxuu xal uraadinayaa mishkiladaha ka dhasha abaaraha isdaba jooga ah sida Xaalufka, Caafimaad darada xoolaha, Biyo la,aanta IWM.
- Xisbiga FEP wuxuu xoog saarayaa ilaalinta Cimilada dalka sida, ilaalinta Nadaafada, Dhirta, Duurjoogta IWM.
Qaybta 7aad: Xaga Beeraha
- Xisbiga FEP wuxuu xoojinayaa wax soo saarka beeraha, iyadoo laga faa,idaysanayo Roobka, Wabiyada iyo dhul beereedka balaadhan ee ala inagu manaystay.
- Xisbiga FEP wuxuu u diyaarinayaa beeralayda Tababaro, Qalabka qodaalka beeraha oo casriya, Abuur tayaysan, Matoorada waraabka, Daawada beeraha IWM.
- Xisbiga FEP wuxuu u hawlagalayaa sidii beeralayda loogaga iibsan lahaa wax soo saarkooda qiimo fiican.
Qaybta 8aad: Xaga Biyaha:
Xisbiga FEP wuxuu xoog saarayaa siduu uga haqab tiri lahaa shacabka biyaha isagoo adeegsanaya (Biya xidheeno, Biyaha roobabka oo la joojiyo, in la badiyo ceelasha riigaga & kuwa gacanta ahba, in la badiyo Baraagaha).
Qaybta 9aad: Xaga Wadooyinka
Xisbiga FEP wuxuu xooga saarayaa sidii loo bixin lahaa: (wadooyin waawayn iyo kuwo yaryarba, wadooyin laamiya iyo kuwo jid cadayaala & buundooyin iyo Kaabado intaba).
Qaybta 10aad: Xaga Gancsiga
- Xisbiga FEP wuxuu ku dadaalayaa in la abuuro ganacsi xor ah oo ku dhisan tartan xalaal ah lagana fogaado wax is dabamarinta, nin jeclaysiga, iyo laaluushka.
- Xisbiga FEP wuxuu dajiyay siyaasad lagu soo jiidanayo maalgashadayaasha u dhashay dalka iyo kuwa shisheeyaba.
- Xisbiga FEP wuxuu dajiyay siyaasad lagula dagaalamayo Musuqmaasuqa isagoo abuuraya nidaam xisaabeed lagu daba galayo hantida Dawlada iyo qaab lagu xakamaynayo Musuqmaasuqa.
- Xisbiga FEP wuxuu ku dhiiri galinayaa hayadaha dawliga ah sida Booliiska, Hanti dhawrka guud, Warbaahinta xorta ah iyo guud ahaanba shacabwaynaha in si wadajir ah loola dagaalamo Musuqa.
Qaybta 11aad: Xaga Khayraadka Dabiiciga ah:
- Xisbiga FEP wuxuu ka shaqaynayaa sidii looga faa,idaysan lahaa khayraadka dabiiciga sida Macdanta qaybeheeda kala duwan, Shidaalka, Tamarta IWM.
- Xisbiga FEP wuxuu u hawl galayaa sidii loo heli lahaa Xeerar ku dhisan Cadaalad oo lagu qaybsado khayraadka dabiiciga ah.
Qaybta 12aad: Xaga Arimaha Bulshada
A)Dhinaca waxbarashada
- Xisbiga FEP wuxuu dajiyay siyaasad lagu horumarinayo Tayada iyo Tirada waxbarashada dalka iyadoo loo samaynayo dugsiyada macalimiin taya leh oo ku filan.
- Xisbiga FEP wuxuu Shacabka ku dhiiri galinayaa inay ka qayb qaataan daryeelka macalimiinta iyo dugsiyada.
- Xisbiga FEP wuxuu u howlagali doonaa sidii loo abuuri lahaa jawi ku haboon waxbarashada sida dugsiyo ku filan ardayda, quudin IWM.
- Xisbiga FEP wuxuu la dagaalamayaa dhamaan waxyaabaha hoos u dhaca ku keeni kara tayada waxbarashada sida Qishka IWM.
B)Dhinaca caafimaadka
- Xisbiga FEP wuxuu dajiyay siyaasad kor loogu qaadayo tayada caafimaadka, sida in la kordhiyo tirada iyo tayada shaqaalaha, dhakhaatiir ku filana laga hawl galiyo cusbitaalada dalka.
- Xisbiga FEP wuxuu balaadhin doonaa tirada Cusbitaalada iyo xarumaha caafimaadka ee dalka.
- Xisbiga FEP wuxuu u hawlagali doonaa sidii loo heli lahaa qalabka caafimaadka oo tiknoolajiyada casriga ah ku shaqeeya iyo shaqaale tababar fiican qaba oo ku shaqaynkara.
C)Dhinaca dhalinyarada
Dhalinyarada oo ah cududa mustaqbalka umada ayaa maanta maraya meel khatara xaga dhaqanka iyo xaga dhaqaalahaba, sidaa darteed Xisbiga FEP wuxuu dajiyay siyaasd lagu ilaalinayo dhaqanka dhalinyarada laguna kobcinayo dhaqaalahooda.
- Xisbiga FEP wuxuu dhalinyarada u jahaynayaa xaga barashada culuunta sayniska ah sida Dhakhtarnimada, Engineernimada, Biyaha, Beeraha, Tamarta IWM.
- Xisbiga FEP wuxuu cududa dhalinyarada kusii jeedinayaa xaga wax soo saarka beeraha iyagoo lasiinayo tababaro iyo qalab casri ah.
- Xisbiga FEP wuxuu balaadhin iyo kor u qaadisba ku samayn doonaa machadyada farsamada gacanta (Poly technical schools), dhalinyaradu markay soo dhameeyaana wuxuu u abuuri doonaa shirkado yar yar ooy ku shaqaystaan lana siiyo daymo ay ku maal gashadaan farsamadooda.
- Xisbiga FEP wuxuu abuurayaa Mashruuc Faqri lagula dagaalamayo isagoo la kaashanaya shacabka si looga dabargooyo saboolnimada dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada.
- Xisbiga FEP wuxuu dhalinyarada u qabanayaa wacyi galino kala duwan oo ku saabsan Akhlaaqxumada, Maandooriyaha, Tahriibka, Casiwaalidnimada IWM.
D)Dhinaca Golaha dhaqanka
Golaha dhaqanku waa furaha bulshada iyo sama ka taliska dalka, sidaa darteed Xisbiga FEP wuxuu ka leeyahay aragtiyada soo socda:
- Xisbiga FEP wuxuu aaminsanyahay in golaha dhaqanka laga qaybgaliyo talada dalka lana siiyo doorka ay bulsahada ku dhax leeyihiin.
- Xisbiga FEP wuxuu abuuri doonaa "Golayaw Guurtiā€¯ oo rasmiya kuwaas oo matalaya dhamaan Gobolada iyo Dagmooyinka Dalka, shaqadooduna ay tahay inay xaliyaan khilaafaadka ka dhax dhaca Bulshada dhaxdeeda iyo kuwa dhaxmara Dowlada iyo Bulshada.
E)Dhinaca Dumarka.
Dumarku waa halbowlaha bulshada ee xaga Taranka, Tayada, Tarbiyada iyo Taladaba, sidaa darted xisbiga FEP wuxuu siinayaa dumarka mudnaanta 1aad.
- Xisbiga FEP wuxuu si buuxda uga qayb galinayaa dumarka golayaasha siyaasada ee heer Fadaraal iyo heer Deegaanaba.
- Xisbiga FEP wuxuu si siman ugu qaybinayaa gabdhaha iyo wiilasha furasadaha waxbarashada iyo kuwa shaqaba.
- Xisbiga FEP wuxuu tix galin gaar ah siinayaa duruufaha hooyada, sida markay Uurka tahay, ama Umusha tahay iyo markay ilmaha naaska nuujinaysaba.