Xisbiga FEP

Xisbiga FEP waa xisbi siyaasadeed heer Fadaraal ah oo ka dhaq dhaqaaqa dhammaan dalka Ethiopia oo uu ka mid yahay Deegaanka Soomaalidu, wuxuuna modnaanta 1aad siinayaa qofka muwaadinka ah (Human being first). 

Xisbiga FEP waxaa la aasaasay March 24 2019, waxaana lagu aasaasay magaala madaxda dalka Ethiopia ee Addis Ababa.
Faahfaahin
Xisbiga FEP Logo

Mabaadii'da Xisbiga FEP

ixtiraamka Muwaadinka

In la ixtiraamo muwaadinka lana ilaaliyo xuquuqihiisa aasaasiga ah sida xoriyatul-qowlka IWM (Human being first). 

Maamulka Suuban

In mabaadiida maamulka suuban ay si hufan uga dhaqan gasho dalka.

Sarraynta Sharciga

In la xaqiijiyo saraynta sharciga iyo kala dambaynta

Doorasho Xor iyo Xalaala

In siyaasada lagu soo celiyo gacanta shacabka oo si xor iyo xalaala wax loo doorto

Kheyraadka Dalka

In kheyraadka dalka loo qaybsado si cadaalad iyo sinaan ah

Dumarka iyo Siyaasada

In dumarka laga qayb galiyo siyaasada dalka

Nidaamka Fadaraalka

Xisbiga FEP wuxuu ilaalinayaa Nidaamka Fadaraalka ah ee ku dhisan Qoomiyadaha sida ku xusan Distuurka Ethiopia

Ilaalinta Isirka

Xisbiga FEP wuxuu rumaysanyahay Ilaalinta Isirka qoomiyad walba, Luqadeeda, Xuduudeeda, Diinteeda IWM

Nabad Kuwada Noolaansho

Xisbiga FEP wuxuu rumaysanyahay Ilaalinta Mabda nabad kuwada noolaanshaha qoomiyadaha Ethiopia

Abdirahman Abdishakur Warsame

Baro Hoggaamiyaha Xisbiga

Ibraahim Maxamed Xuseen (Ibraahim Dheere) waa hogaamiyaha xisbiga Xoriyada & Sinaanta (FEP) ee deegaanka Somalida.

Faahfaahin

Muhiim ma u aragtaa Xoriyad iyo Sinnaan?

Ma dooneysaa in uu sharcigu sarreeyo?

Albumka Sawirrada