war-saxaafadeed xaaladda Maxaabiista ee jigjiga ugu xidh-xidhan siyaasadda.

Saturday May 14, 2022 - 11:38:03
0 Comments
208
Super Admin
Ujeedo: Xaaladda maxaabiista siyaasada ee ku xidhan jigjiga...

Xisbiga FEP wuxuu si dhow ula socday xaalada ay ku jiraaan Maxaabiista siyaasada ugu xidh-xidhan jeelasha DDS kuwaas oo isugu jira xubno ka tirsan xisbiyada FEP, SPP iyo kuwa madaxa banaanba, Maxaabiistan oo ilaa hadda aan wax dambi ah lagu soo oogin. ayaa la iskaga hayaa jeelasha DDS.

Taasina waxay keentay inay Maxaabiistii sameeyeen cunto joojin furan si ay cadaalad u helaan, ehelada Maxaabiistu waxay soo sheegeen in xaaladooda caafimaad ay meel halis ah marayso.
Hadaba: 1: xisbiga FEP wuxuu ka xunyahay xaalada adag ee ay maxaabiistu ku jiraan oo ay isugu tagtay ( dulmi,cunto joojin,iyo caafimaad darro.                                             
2: xisbiga FEP wuxuu cambaaraynayaa xukumada ka talisa DDS ee dadka siyaasiyiinta ah iska xidh-xidhaysa sabab la`aan.
3: xisbiga FEP wuxuu ugu baaqayaa xukumada ka talisa jigjiga inay Maxaabiistaas siidayso shuruud la`aan.  
4: xisbiga FEP wuxuu xasuusinaynaa xukumada inay iyadu ka masuul tahay wax kastoo dhib ah oo soo gaadha maxaabiistaas sida ku cad dastuurka dalka Ethiopia.
5: waxaan ugu baaqaynaa commission ka xuquuqul-insaanka Ethiopia ee heer federal iyo heer deegaanba inay soo fara galiyaan xaalada maxaabiista siyaasada oo meel khatar ah maraysa.
 

                                 Xorriyada iyo cadaaladu ha guulaystaan.







Leave a comment