Shirka wada tashiga ee xisbiga FEP iyo jaaliyadda Nairobi.

Monday March 13, 2023 - 14:02:49
0 Comments
191
Super Admin
Kulankii jaaliyadda Nairobi Kenya iyo xisbiga FEP faah-faahin.
SHIRKA WADA TASHIGA ee XISBIGA FEP & JAALIYADA NAIROBI.
Xisbiga Xoriyada & Sinaanta (FEP) ayaa shir wadatashi & Xogwarn ah la yeeshay Jaaliyada ree DDS ee ku nool magaalada Nairobi.
Ajandaha Shirka ayaa wuxuu aha: 
1. DDS say Ethiopia wax ula qabsan kartaa 2023.
2. Xisbiga FEP oo u soo bandhigay Barnaamijkiisa Siyaasadeed jaaliyada ree DDS ee Nairobi ku nool.
Shirka waxaa ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada sida Ganacsatada, Madaxda dhaqanka, Aqoonyahanada, Dumarka & Dhalinyarada.
Shirka waxaa lagu marti qaaday Axsaabta Siyaasada ooy ka mid yihiin xisbiga ONLF.
Shirka waxaa ka hadlay Gudoomiyaha xisbiga FEP ee DDS Ibrahim dheere, Wakiilka Jabhada ONLF ee bariga Africa, Siyaasiyiin madax banaan iyo xubna kala duwan oo ka socda bulshada rayadka ah.
Gabagabadii shirka waxaa ka soo baxay:
1. In la qabto shirwayne ay u dhantahay qoomiyada Soomaalida ee ree DDS (Qurba joog & Qaran joogba) lagana soo saaro Axdid Deegaameed loo wada dhanyahay (Mucaarad & Muxaafidba).
2. In ay waajib tahay in la difaaco xuduudaha DDS oo dhan.
3. Inaan MW dambe aan DDS dusha looga keenin aan lagala tashanin indheer garadka Bulshada & Saamilayda Siyaasada.
4. In la sameeyo isbahaysi siyaasadeed ooy u dhanyihiin axsaabta mucaaradka ah ee ree DDS.
4. In Gurmad dag dag ah lala gaadho dadka ay Abaaruhu ku habsadeen ee ree DDS gaar ahaan Gobolada Daawo, Afdheer & Liibaan.






Leave a comment