Bayaanka uu ka soo saaray xisbiga FEP taariikhda Karamarda.

Tuesday March 21, 2023 - 14:52:21
0 Comments
142
Super Admin
TAALADA AY DAWLADA FEDERALKU AMARTAY IN LAGA DHISO KARAMARDA "

KARAMARDA waxay astaan u tahay taariikhdii halgan ee ay qoowmiyada soomaalidu la gashay ciidamadii guumaysigii Dargigii ee Mingisto Hayla Maryam sanadkii 1977.

Dagaalkaas ooy hogaaminaysay Jabhadii xoraynta S/Galbeed (WSLF) ayaa lagu jabiyay ciidamadii Dergiga iyo waliba xulufadii reer bariga ee ay hormuudka u ahaayeen midowgii soofiyeeti iyo Cuba.

Cid kasta oo isku dayda inay taariikhda Kaaraamardha Marin habaabiso waxaan leenahay kuu suuroobi mayso, mana aqbalayno in uu raysul wasaare Dr Abiye Ahmed ku raali galiyo qoomiyada Amhara Taalo aan ka dhismi karin deegaanka soomaalida. 



Hadaba Xisbiga Xoriyada iyo sinaanta ee DDS isaga oo ka duulaya Dastuurka
Ethiopia da cusub ee ku dhisan nidaamka fadaralka qoowmiga ah Qodobkiisa 39 faqrooyinkiisa (1) (2) & (3) kuwaas oo qeexaya
A- xaqa aayo katalinta qowmiyadaha 
B- xaqa ismaamulka deegaanada 
C- iyo in ay qowmiyaduhu xaq u leeyihiin horumarinta, afkooda, dhaqankooda iyo taariikh doodaba wuxuu xisbigu soo jeedinayaa:
1. dawlada Fadaralka inay ka laabato go,aanka Kaaramardha lagaga dhisayo taalo lagu maamuusayo ciidamadii Dargiga ee xasuuqay shacabka S/Galbeed.
2. Xisbiga FEP ee DDS wuxuu ugu baaqayaa xukumada DDS inay jawaab cad ka bixiso arintan.
3. Xisbiga FEP wuxuu ugu baaqayaa shacabka dawlad deegaanka soomaalida (Qurba joog & Qaran joogba) in ay u istaagaan sidii loo dhisi lahaa Taalada Kaaramardha oo astaan looga dhigayo halgankii iyo Gumaadkii ay dawlada itoobiya u gaysatay shacabka somali Galbeed.

Leave a comment