Wakiilka safaarada Japan ee Itoobiya ayaa booqday xafiiska xisbiga FEP ee Addis Ababa.

Monday January 23, 2023 - 21:34:49
0 Comments
167
Faah-faahinta booqashada wakiilka ee xafiiska xisbiga FEP Addis Ababa.
 Genya Morishita oo ah lataliyaha dhanka siyaasada ee safaarada Japan ee dalka Itoobiya ayaa booqday xafiiska guud ee xisbiga xoriyada iyo sinnaanta wuxuuna kulan la qaatay gudoomiyaha ururka FEP Dr. Cabdulqaadir Aadam oo ay kaga wadahadleen arimaha dalka iyo siyaasada FEP 
 Dooda ayaa Dr.Cabdulqaadir waxa uu sharaxaad dheer ka siiyey Mr Genya aragtiyaha FEP ee ku aadan dhanka diblumaasiyadda,siyaasadda,nabada iyo amniga iyo horumarka dalka Ethiopia,isagoona sharaxaad ka bixiyey mawqifka xisbiga ee ku aadan dagaalka labada sano ka socday gobolada waqooyi. qayb ka mid ah dalkeena iyo heshiiska nabadeed ee lagu soo afjarayo dagaalka.


 Gudoomiyaha ayaa u sheegay in FEP ay si adag u aaminsantahay in xalka kaliya ee looga takhalusi karo dhibaatooyinka wajiyada badan leh ee dalkeena uu wajahayo ay tahay in si nabad ah lagu xaliyo khilaafaadka siyaasadeed.

 Si la mid ah Tigrayga, FEP waxay aaminsan tahay inay muhiim tahay in la isticmaalo fursadaha nabada si loo soo afjaro dhibaatooyinka amni ee meelaha qaar ee Oromia ka jira muddo gaaban. Gudoomiyuhu waxa uu u mahad celiyay shacabka Japan iyo dawladaba taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka Itoobiya.

 Xisbiga Xoriyadda iyo Sinnaanta
 Janaayo 15, 2015
 Addis Ababa

Leave a comment