Bayaanka uu ka soo saaray xisbiga FEP Abaarta ba'an ee ka jirta DDS.

Tuesday March 14, 2023 - 19:15:00
0 Comments
155
Super Admin

Sorry: It seems that you don't have flash PlayerGet the Flash Player hereWith out flash Player you cannot watch our videos.

Bayaanka xisbiga FEP ee Abaarta ka jirta DDS gaar ahaan Gobolada Daawa,Afdheer iyo liibaan...

Sadaexdii sano ee u dambaysay deegaanka soomalida kama Di,in roob lagaga bogsado abaarihii is daba-joogga ahaa ee deegaanka ka dhacay.
Hada waxay xaalad xun oo dhimasho iyo barakacba keentay ka jirtaa Gobolada DAAWO & AFDEER.
Waxaa la soo sheegayaa inay 18qof baahi iyo harraad ugu dhinteen gobolka DAAWO oo kaliya.      
Abaraha gobolka DAAWO ka socda waxaa u dheer colaad keentay dhimasho iyo dhaawac oo u dhaxaysa Oromia iyo soomaalida.
Hadaba xisbiga Xoriyada iyo sinaantu wuxuu ugu baaqayaa:
1- Dawlada deegaanka soomaalida in ay gurmad dag dag ah la gaadho dadkaa tabaalaysan aminigoodana difaacdo.
2- Dawlada Federalka Ethiopia in ay iyaduna ka qayb qaadato Gurmadka abaarha iyo Joojinta colaadaha. 
3- Hay,adaha gargaarka ee heer caalami iyo kuwa maxaliga ahba in ay ka qayb qaataan gurmadka.
5- Xisbiga FEP wuxuu ugu baaqayaa Bulshada ree DDS dibad iyo gudaba inay ka qayb qaataan gurmadka walaalahooda tabaalaysan ee Gobolada DAAWO & AFDHEER.


Leave a comment

You have 350 characters remaining.